Qaadkii ka imaan jiray Kenya oo Maanta laga soo dajiyay Muqdisho

Waxaa Maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada  Muqdisho ka soo degay diyaaradihii qaadka ka keeni jiray Dalka Kenya,kadib markii shalay ganacsatada qaadka ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen qaadkii uga imaan jiray dalkaas.

Guddiga ganacsatada qaadka Soomaaliya ayaa sheegay in qaadkii ay ka keeni jireen  dalka Kenya ay u wareejiyeen dalka Itoobiya,hayeeshee Maanta ayaa Garoonka laga soo dajiyay

Guddoomiyaha Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka Qooje Maxamuud ayaa shalay shaaciyay in iyaga oo la safan dowladooda ay joojiyeen qaadka ,isla markaana ay taageersan yihiin difaacidda dhulka iyo badda Soomaaliya.

Go’aankii shalay ay gaareen Guddiga Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ayaa yimid,kadib markii khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhexgalay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media