• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, June 23, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso:-Ma RW Rooble ayaa boob ku haya dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda Soomaaliya?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 21, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Iyadoo Taliyaha Ciidamada badda Sarreeye Guuto Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir uu warbaahinta ku sheegay in mas’uuliyiin sare oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay doonayaan inay dhistaan dhulka ciidanka badda, ayaa waxaa soo baxaya jawaabo kala duwan oo arrintaasi ay kaga fal celiyeen mas’uuliyiin xilal ka haysa dowladda iyo mas’uuliyiin hore.

Taliyaha Ciidamada Badda ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta boobka wadda ay doonayaan in dan shaqsiyadeed loo qaato si looga dhiso dhul lagu nasto, laguna raaxaysto, sida uu hadalka u dhigay, waxaana arrintaasi ay dhalisay hadal hayn weyn.

Dadka sida kulul kaga jaabay arrintaasi waxaa ka mid ah Sarreeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ah Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta, waxaana uu sheegay in hadalkaasi uu yahay mid meel ka dhac iyo gaf ah,oo lagula kacay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Bashiir Goobbe ayaa intaa ku daray in hadalka Taliyaha Ciidamada badda uu arga-gax ku noqday iyo filan waay, taasi oo uu sheegay in ay tahay arrin aan laga fiirsan sidoo kalena Ra’iisul wasaaraha uusan wax lug ah ku lahayn, waxaana intaa uu ku daray in aysan jirin wax dhul ah oo boob lagu hayo.

Waxa uu sheegay in ogaanshihiisa dhulkaasi aanu ahayn dhul ciidan. Waxa uu sheegay in dhulkaasi yahay dhul “yar” oo u dhexeeya xeebta iyo safaaradda Turkiga.

Sarreeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ah Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta, ayaa carrabka ku dhuftay in anshaxa ciidamada aysan ku jirin in sarkaal darajo Ciidan leh uu warbaahinta ja eedeeyo madaxda qaranka.

Sidoo kale shaqsiyaadka ka jawabay hadalka taliyaha Ciidanka badda  waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Gobalka Banaadir Muuse Macalim Maxamed, waxaana uu sheegay in hadalka Taliyaha uu sharciga baalmarsan yahay, taasi oo uu u soo xigtay Qodobbo dastuuri ah.

“Soo tii Sarkaalka dowladda laga doonayay in uu si waafaqsan Qod:19 XHC u maro oo hadii lagu qancana loo marayay wadadi dheereyd goormaa la soo gaabiyay yaab iyo dhabana heys.Tan waaba ka duwantahaye , Saraakiisha Ciidankow u tura Xirfadda Ciidan ee dusha idiin suran” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Gobalka Banaadir Muuse Macalim Maxamed.

Eedeynta Rooble ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay ahayd mid si weyn la iskula dhex-marayay,taasi oo hadal hayn dhalisay, waxaana sidoo kale isi-soo tarayay shaqsiyaadka arrintaasi ka bari yeelayay in Rooble uu ku kacay boob.

Previous Post

La-taliyeyaasha Putin iyo Biden oo wada hadal khadka taleefanka ah yeeshay

Next Post

Farmaajo oo farriin u diray Ardayda Soomaaliyeed ee Takhasuska sare ku qaadanaya Turkiga

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”

June 23, 2025
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka
Caalamka

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

June 22, 2025
Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal
Warar

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

June 22, 2025
Next Post

Farmaajo oo farriin u diray Ardayda Soomaaliyeed ee Takhasuska sare ku qaadanaya Turkiga

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

by Gesey Liban
June 23, 2025
0

In a landmark move signaling a bold new era for Somalia’s future, President Dr. Hassan Sheikh Mohamud today officially launched...

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

by Gesey Liban
June 23, 2025
0

Baidoa, South West State – The Somali National Army (SNA) scored a significant victory against Al-Shabaab early Sunday morning after...

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

by Gesey Liban
June 23, 2025
0

Algiers, Algeria – Somalia is taking part in a high-level regional summit on social and economic development in the Arab...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Arakchi, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa shaaciyay...

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country
English News

Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive
English News

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria
English News

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

"Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta"

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Launches Ambitious Century Vision Plan 2060 to Transform the Nation into a Prosperous, Unified Middle-Income Country
  • Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive
  • Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00