Putin oo isku day Dil ka badbaaday & Ruushka oo War kasoo saaray Weerarka

Russia ayaa ku eedeysay Ukraine inay weerar diyaarado drone ah ku beegsatay Madaxtooyada Kremlin-ka -eedeyntaas oo Xukuumadda Kyiv ay beenisay.

Muuqaallo aan la xaqiijin oo la wareejinayo baraha bulshada ayaa muujiey qarax ka dhacay dusha sare ee Aqalka Kremlin-ka, oo ah hoyga maamulka madaxweynaha Ruushka.

Moscow ayaa ku eedeysay Kyiv inay isku dayday inay Putin ku khaarajiso “ficil argagixiso oo la qorsheeyey iyo isku day lagu qaadi lahaa nolosha Madaxweynaha Federaalka Ruushka.”

Hase yeeshee Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa beeniyey in dalkiisa uu mas’uul ka ahaa isaga oo yiri “waxaan u dagaalameynaa dhulkeena, waxaan difaaceynaa xaafadaheena iyo magaalooyinkeena.”

Afhayeenka madaxweynaha Ukraine Mikhaylo Podolyak ayaa soo jeediyey in Moscow ay mas’uul ka tahay.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale shaki geliyey sax ahaanshaha sheegashada Ruushka, isaga oo yiri “Waxa kasta oo ka yimaada Kremlin-ka waxaan ka qaadan lahaa shaki badan.”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor