Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyadoo Cudurka uu u muuqda mid kasii yaraanaya deegaanada Maamulkaas.
Qoraal lagu daabacay Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxa lagu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 29 qof, isla markaana laga helay4 kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.
Dadka xanuunka laga helay ayaa da’dooda u dhaxaysaa 22 sano jir ilaa 30 sano jir, waxaana ay ku kala sugan yihiin Magaalada Garoowe (2) Cadaado (2) Gobolka Galgaduud Galmudug, waxaana ka bogsaday 3 qof.
Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada Maamulka Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa hada gaartay 341 qof, isla markaana udhintay 8 qof, iyadoo ay bogsadeen 163 qof.