Dabley Bastoolado ku hubeysan ayaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka waxaa ay ku dishay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Goobjoogaal ayaa ku warramay in dhowr rasaas qeybaha sare ee Jirka loogu dhuftay Sarkaalka xili uu ku sugnaa deegaanka Tabeelaha, isagoo goobta ku dhintay, waxaana halkaas ka baxsaday ragii fuliyay falka.
Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta ayaa tegay halkaas, isla markaana goobta ka qaaday Meydka Sarkaalka la toogtay oo la tilmaamay inuu sigaar uga kamid ahaa Ciidanka Milateriga.
Qoraal lagu daabacay baraha dhinaca Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada dilka Saraalka loogu geystay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim.
Sidoo kale Shabaab ayaa qoraalkooda ku sheegay in Sarkaalka la dilay ay ay darajadiisa ciidan aheyd Sarreeye Guuto, dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ku aadan falkaas dhacay.