Wareegto laga soo saaray Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa raalin gelin laga bixiyey hadal dhawaan uu sheegay Madaxweynaha Puntland kaas oo dad badani ku tilmaameen in loogu gefay shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.
Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in maalmahan arkayeen dad Soomaaliyeed oo ku mashquulsan kala qeybinta Ummadda Soomaaliyeed,iyada oo soo xiganeyey hadal uu Madaxweyne Gaas ula jeeday Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa raali gelin ku saabsan hadalkii Madaxweynaha Puntlkand loo diray Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Koonfur Galbeed oo la sheegay in hadalkaas ay ka xumaadeen.
Ugu dambeyn waxaa lagu soo geba gabeeyey in puntland Shacabka Koonfur Galbeed mar walba la garab taagan tahay xoojinta midnimadooda.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan hadal uu jeediyey waxa uu ahaa mid saameyn badan reebay,iyada oo Shacab iyo Mas’uuuliyiin ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ay jawaab ka bixiyeen.
Hadalkii hore ee Madaxwweyne Gaas ayaa ahaa sidatan.
“Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”