Aadan Barre Ducaale oo sheegay in dowlad goboleedyada dhibaato ku hayaan DFS

Aadan Barre ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ayaa marki ugu horreysay waxa uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Waxa uu sheegay in mar walba uu Muqdisho ama Guud ahaan soomaaliya ka amqlo war aan u wanaagsaneyn ummadda Soomaaliyeed,isla markaana muhiim tahay in la xaliyo.

Waxa uu sheegay Dowlad Goboleedyada ay dowladda Federaalka ah caqabad ku hayaan, taas oo sababtay in dowladda ay dayacdo ammaanka.

Isaga oo sii hadlayey ayuu tusaalo u soo qaatay dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magalada Muqdisho,sida Ardayda iyo dadkii kale ee tiodobaadkaan iyo kii la soo dhaafay la dilay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu ugu baaqay in uu isaga ka roonaado dowlad Goboleedyada maaddaama isaga ay hoostagaan,isla markaana uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowlado badan oo Caalamka ka mid ah iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyey khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor