Dowlad Goboleedka Puntland ayaa markii horreeysay ka hadashay Shirkii uu dhawaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay Puntland diyaar u tahay ka qaybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo la filayo inuu ka qabsoomo Muqdisho.
Puntland ayaa sidoo kale caddeeysay in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.
‘Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble. Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020” ayaa lagu yiri Qoraalka ay soo saartay Puntland.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka isugu yeeray Shir looga hadlayo doorashada, isla markaana lagu saxayo hannaanka doorashada iyo dardar-gelinteeda, waxaana Shirka lagu wadaa inuu ka dhaco Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna Shir isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada dalka, kadib markii uu Rooble ku eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkiisa doorashada.