Dagaal u dheexaya Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay Buuraha Gal-gala waxaana dagaalkaas guulo ka sheegatay Puntland, oo sida ay sheegeen khasaare xooggan gaarsiiyay Dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka dagaalama qaybo ka mid ah Maamulkaas.
Dagalka ayaa yimid ka dib markii sida la shegay ay Al-shabaab isku dayeen in ay qabsadaan degaanno hor leh oo ka tirsan Gal-gala, balse dagaal xooggan ay aka qarxay halkaas oo dhimasho iyo dhawaac farabadani uu ka dhashay.
G/ Xuseen Cali Maxamuud oo ah Talitaha qeybta Booliska Bari ayaa warbaahinta u sheegay in ay dagaalkaas khasaare ku gaarsiiyeen Al-shabaab, waxaa uu sheegay in dileen tiro dhowr ah, halka sida uu sheegay ay nolosha ku qabteen xubno kale oo sida uu sheegay ay qaar dhawaac yihiin.
Buuralayda Gal-gala ayaa waxaa ku dagaalama Al-shabaab iyo Ciidamada Puntland, waxana dagaalkani uu imaanayaa iyadoo Al-shabaab ay qaraxyo iyo dilal qorsheysan magaalooyin waaweyn oo ka tirsan maamulka Puntland, inkastoo hay’adaha ammaanka ay sheegeen in wax ka qaban doonaan qaraxyada iyo dilalka ka dhaca degaanadaas.