Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi ayaa soodhaweyay shirkii dhawaan lagu soo gaba-gabeyay Dhuusamareeb, waxaana uu sheegay in uu bogaadinayo shirkaas.
Sidoo kale waxaa tallaabo dhirigalin mudan uu ku tilmaaamy in meel dhexe la isugu yimid, shacabka Soomaaliyeedna tiro ka badan kuwii hore fursad u helaan ka qeyb qaadashada doorashada 2020/2021 iyada oo loo marayo nidaamka Xisbiyada badan.
Thaabit ayaa sheegay in ay jiraan qodobo u baahan in la hirgaliyo oo ay ka mid yihiin in fursad la siiyo maamul Goboleedyada Jubland iyo Puntland, isagoo sheegay in loo baahn yahay in afar qodob la dhamaytiro.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir qoraal uu soo saray ayuu ku yiri:
“ waxaan ku baaqeynaa arrimaha soo socda in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro si heshiiskan hirgelintiisu u bilowdo
- Tirada Aqalka Sare ee 2020/2021 in lagu caddeeyo nuqulka heshiiska inuu noqon doono 67 Senator inta aan la horgeyn Golayaasha, maadama matalaaadda 13 Senator ay #Banaadir si sharci ah u yeelatay.
- In Puntland iyo Jubbaland labadaba fursad loo siiyo wixii talo ah oo ay ku biirin lahaayeen heshiiska doorasho ee #Dhuusamareeb3.
- Maamulka Doorashada 2020/2021 hadii ay maamulayaan GMDQ waa arrin wanaagsan balse u baahan tallo-loo dhanyahay si aan loo siyaasadeyn go’aannada iyo qorshooyinkooda.
- In heshiiska doorasho ay labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliyeed wadajir u turxaan bixiyaan, gaar ahaan meelaha u baahan kabidda una ansixiyaan”.