Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Ruusha ayaa laga dajiyay dalka Jarmal, waxaana lasoo sheegaya in xaaladdiisa caafimaad ay aad u liitado.
Warar soo baxaya aya sheegaya in diyaarad sidday Alexei Navalny ay ka degtay Magaalada Siberian ee Gobolka Omsk, waxaana la sheegay in uu ku jiray xaalad miirdabool ah.
Waxaa la sheegay in looga shakisan yahay in la Sumeyay hoggaamiyaha, iyadoo maal mihii lasoo dhaafay uu xaalad caafimaad oo aad xun uu ku jiray.
Haweenay Afhayeen u ah ayaa warbaahinta u sheegtay in xaalad deg deg ah la galiyay, kadib markii la dhigay Cusbitaalka, Kira Yarmysh oo ah haweenayda Afhayeenka u ah ayaa sheegtay in goor hore kadib markii xaalad xuni soo wajahday.