Puntland oo beenisay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Kadib markii Baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay Ciidamo ka qoratay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa arrintaas ka hadlay Maamulka Gobolkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in dowladda ay Ciidamo ka qorotay Gobolka Mudug ee dhinaca dowlad Goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Axmed in dadka wararka beenta faafiyay ay lacag ka doonayan Dowladda Federaalka, hayeeshee ay arrintaas ku fashilmeen waa sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur ayuu tilmaamay in wax xiriir ah  uusan ka dhexeeyn Maamulka Gobolka Mudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax ciidan ah oo deegaanadaas laga qoray.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in dowladda Federaalka aysan Ciidamo ka qori Karin deegaanada Gobolka ilaa iyo inta laga xalinayo Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda.

Si kastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa haatan waxaa ka dhexeeya Khilaaf siyaasadeed.

Comments
Loading...