Nin Jamaican ah oo sheegay inuu gabadha Barack Obama yarad ahaan u siinayo beer lagu beeray Daroogadda Marijuuana.

Roy Chambers oo ah Beeraley u dhashay Jamaica ayaa soo bandhigay inuu 10-acres ee lagu beeray daroogadda Marijuana Yarad ahaan uu siinayo Malia Obama si uu wiilkiisa u guursado.

Waxa uu sheegay inuu rumeysan yahay in Malia Obama iyo wiilkiisa 17 jirka ah dhisi karaan Lammaanayaal iyo qoys cajiib ah.

“Beertayda ku beeran Marijuana ayaa ah waxa ugu qiimaha badan ee aan haysto, laakiin waxaan doonayaa inuu siiyo Madaxweyne Obama, si aan Madaxweyne Obama uga bedesho  gabadhiisa quruxda badan si uu wiilkayga u guursado” ayuu yiri Roy Chambers.

Waxa uu sheegay inuu doonayey inuu codsigiisa u gudbiyo Madaxweyne Obama oo dhowr bilood ka hor booqasho ku tegay dalka Jamaica, wuxuuna ku cataabay inay Ciiddanka Ammaanka ka hor joogsadeen inuu la kulmo Obama.

Roy Chambers oo u xog waramay  Websaytka 18 Karat Reggae Gold waxa uu tilmaamay inuu qoraal  caadi ah iyo E-mail u diray Aqalka Cad, isla markaana uu rajeynayo in si dhaqso leh looga soo jawaabo.

Si kastaba ha ahaatee, Codsiga Roy Chambers waxay ka dhigaysaa inuu yahay qofkii saddexaad ee isha la raacay Malia Obama.

Waxaa ka horreeyey Labo nin oo u dhalatay dalka Kenya, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Garyaqaan Felix Matagei iyo  Jeffole Kishau.

Garyaqaanka waxa u usheegay inuu Malia Obama yarad ahaan u siin doono 50  neef oo lo’ ah, halka Codsaha labaad ee Jeffole Kishau sheegay inuu jecel yahay gabadha Obama,  isla markaana uu yarad ahaan u bixin doono 500 oo neef oo lo’ ah.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor