Sawirro:-Safiiro ka socda laba Dal oo gaaray Magaalada Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa gaaray Safiirada Qatar iyo Turkiga Soomaaliya ee Hassan hamza asad Hashem iyo Mehmet Yilmaz.

Wafdiga Safiirada ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumadda Federaalka Eng Cabdi Canshuur Xasan, waxaana Garoonka diyaaradaha Baladweyne kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Mas’uuliyiin kale.

Safiirada Qatar iyo Turkiga Soomaaliya ayaa kulan Magaalada Baladweyne kula qaatay Wasiiro ka tiran  Dowladda iyo Hirshabeelle, iyagoona ka wada hadlay  xaaladihii ugu dambeeyay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Sidoo kale Madaxdan ayaa ka wada hadlay halka uu marayo Gurmadka loo sameeynayo dadkii uu Baladweyne ku sameeyay fatahaada Wabiga,  waxaana ay Mas’uuliyiinta isla garteen in la dardar geliyo arrimaha Gurmadka.

Dowladdaha Qatar iyo Turkiga ee taareetra Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanay gurmadka loo sameenayo dadkii ay samaayeen fatahaada Wabiyada Jubba iyo Shabeelle, kuwaasi oo fatahaado ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolada dalka .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media