Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Maanta ay gudaha Magaaladaas ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamo ka tirsa Somaliland.
Xiisada ayaa ka dhalatay, kadib markii rag maleeshiyaad ay si xoog ah xabsiga Laascaanood ugala baxeen saddex ruux oo muddo ku xirnaa, isla markaana lagu eedeeyay inay dileen dad shacab ah.
Dad ku sugan Magaalada ayaa warbaahinta u sheegay in dadka maleeshiyaadka ay xabsiga kala baxeen ay yihiin kuwo dad shacab ah ku dilay weerar ka dhacay koonfurta Laascaanood, balse markii dambe gacanta lagu soo dhigay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in saddexda ruux ee Maleeshiyaad kala baxeen xabsiga la aadeen dhinaca Magaalada Kala-beyr ee dalka Itoobiay, isla markaana Ciidanka Booliska Somaliland ay wadaan dadaalo dib loogu soo celinayo dadkaas.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa lagu daadiyay waddooyinka waaweyn ee gudaha Magaalada Laasaacood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana la sheegay xaaladda halkaas ka jira ay tahay mid kacsan.