Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladii KMG, Prof. Cali Maxamed Geedi waxa uu ugu baaqay Dowladaha Somalia iyo Kenya inay ka fogaadaan Khilaafka Diplomaasiyadeed ee ka dhashay muranka Xuduud-baddeedka ee Badweynte Hindiya.
Prof. Geeddi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo ay Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU maanta kula yeesheen magaalladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, wuxuuna xusay inay Dowladda Kenya marti-gelisay in ka badan 500,000 oo Qaxooti Soomaali ah kadib burburkii Dowladnimo ee Somalia sannadkii 1991-kii.
“Kenya caddow kuma noqon karto Somalia, sidaas oo kale, Somaliyana caddow kuma noqon karto Kenya” ayuu yiri Prof. Geeddi oo Ra’isul-wasaare ka soo noqday Dowladdii KMG muddadii u dhexeysay sannadihii 2004-tii ilaa 2007-dii.
Waxa uu sii raaciyey inay Labada dal caddow isku noqon Karin, maadaama ay Muwaadiniin badan oo Kenyan asalkooda Somalia yahay iyo Muhaajiriin Soomaali ah deggan yihiin gudaha dalka Kenya
Prof. Geeddi waxa uu Wareysigiisa ku sheegay in Khilaafka haatan ka dhex aloosan Somalia iyo Kenya uu ku salaysan yahay Is-faham La’aan Siyaasadeed, wuxuuna labada Dowladooda ugu baaqay inay helaan wadiiqad kale oo looga bixi karo Colaadda taagan.
“Haddii aan wadaagno danno badan, oo ay jirto hal colaad, waa iska caadi in meel la iska dhigo colaadda keliya, lana garwaaqsado danaha kale ee u dhexeeya Labada Waddan” ayuu yiri Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG.
Dhinaca kale, waxa uu Prof. Cali Maxamed Geeddi soo hadal-qaaday sida ay Dowladaha Kenya iyo Uganda meel isaga dhigeen Khilaafkooda ku aadan Lahaanshaha Jesiiradda Milgingo Island, isla markaana ay weli iskaashanayaan.
Xigasho: AA