Qaramada Midoobay oo Hal Sanno Ku Kordhisay Howlgalka Amisom Ee Soomaaliya

Ciidamadda Dowladda Kenya ayaa sii joogi doona Dalka Soomaaliya muddo dheer kadib markii Golaha Ammaanka uu Hal Sanno ugu kordhiyay Howlgalka Amisom.

Xoghayaha Golaha Difaaca Kenya Raychell Omamo ayaa Shalay Sheegtay in Kenya ay soo dhaweyneyso Go’aanka lagu kordhiyay Howlgalka Amisom ee Dalka Soomaaliya.

Omamo ayaa sheegtay in Joogitaanka Ciidamadda Kenya ee Dalka Soomaaliya aysan ka caawin doonin oo kaliya wiiqitanka Al Shabab balse la xureyn doono Magaalooyin Badan sida ay tiri.

Howlgalka Amisom waxa uu bilaawday Sanadkii 2006dii balse waxa uu si rasmi ah u howlgalay Sanadkii xigay ee 2007dii.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor