Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG, ahna Musharax Madaxweyne Prof. Cali Maxamed Geeddi waxa uu maanta si rasmi ahaan ugu dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne u taagan Doorashadda Madaxweynaha JFS.
Musharax Geeddi ayaa hadalkaasi ka sheegay Munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho, waxaana Munaasabadaasi ka soo qeyb galay Boqolaal qof oo isugu jiray Siyaasiyiin, Xildhibaano, Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federalka, Hoggaamiye-dhaqameedyo iyo xubno ka kala socda Ururradda Bulshadda.
Musharax Madaxweyne Geeddi oo ka hadlay Munaasabadaasi, waxa uu ku soo bandhigay Ajendahiisa Hoggaamineed ee uu dalka ku hagi doono marka uu ku guuleysto xilka Madaxtinimadda.
“Waxaan si rasmi ahaan ugu dhawaaqayaa musharaxnimadda Madaxweynenimo oo aan doonayo, Anigoo leh Aragti Siyaasadeed oo ku wajahan Nabadda, Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Xukunka Dimuqraadiga, Daryeelka Aadminimo, Xushmeynta Xukunka Sharciga, Adeeg Bulsho, soo-kabashadda Dhaqaalaha, Horumarinta iyo Dib-u-dhiska dalka” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cali Maxamed Geeddi.
Mar uu ka hadlay Siyaasadda dalka, waxa uu yiri: “Inta u kacday inay u tartamaan Hoggaanka dalka waxay ku mideysan yihiin in Qaranka laga badbaadiyo Hoggaanka maanta qorraxdiisu dhacday ee Faashilka ah” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Geeddi, oo intaasi ku daray inay Nasiib-darro tahay inay isku amaanaan inay wax u qabteen Dalka.
Sidoo kale, Munaasabadda waxaa kaloo ka hadlay Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Musharixiinta Madaxtinimadda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in quus laga joogo qaabka Waddanka lagu hoggaaminayo.
“Siyaasiyiinta iyo Shacabka waxay dareen ka qabaan inuusan si wanaagsan ku soconin Geeddi-socodka dalka” ayuu yiri Musharax Madaxweyne C/qaadir Cosoble Cali.
Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Caddaaladda ee Xukuumadda Federalka ee uu xilligeedu dhamaaday, Jeneral Xasan Maxame Xuseen “Mungaab” ayaa ka hadlay Munaasbadda uu Prof. Cali Maxamed Geeddi kaga dhawaaqay inu yahay M,usharax Madaxweyne.
Wuxuuna Jeneral Mungaab soo dhaweeyey Musharaxnimadda Preof. Cali Maxamed Geeddi oo uu ku ammaanay Waxqabadkiisa xilligii uu Ra’isul-wasaare ka ahaa Dowladdii KMG ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Allaha U Naxariisto.
Musharax Madaxweyne Cali Maxamed Geeddi waxa uu ahaa Ra’isul-wasaarihii ugu horreeyey ee ay Xukuumadiisa saldhigato, kana shaqo bilowdo Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, tan iyo wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladdii Kacaanka sannadkii 1991-kii.
©Radio Dalsan