Odayaasha Dhaqanka ee dhawaan ka tagay magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan Ciidanka Millateriga Somaliland iyo kuwa xoogagga SSC.
Odayaasha Dhaqanka eek a tagay Muqdisho ayaa lagu soo dhaweeyay halkaasi, waxaaan ay u kuur galeen xaaladaha guud ee Magaalada, iyagoo tagey goobaha ay isku horfadhiyaan laabda dhinac.
Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka oo ay wehliyaan Isimadda SSC ayaa tagaya gudaha magaalada Laascaanood, iyagoo booqan doona goobaha adeegyada dadweynaha ee waxyeelada u geysatay Somaliland, lana kulmaya waxgaradka.
Somaliland ayaa la aaminsan yahay inay arrinkaan si weyn uga soo horjeeddo, waxaana ay u aragtaa in ay dhaawac siyaasadeed iyo fashil amniba ku noqonayso haddii ay Isimaddan xal u helaan colaada Laascaanood, sida ay tilmaamayaan wararka qaar.