Howlgallo dad lagu soo qab-qabtay oo laga sameeyay magaalada Muqdisho

Cidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliska degmada Wadajir ayaa xalay howlgal dad lagu soo qab-qabtay fuliyey degmada Wadajiree Gobolka Banaadir.

Howgalka oo ahaa mid Qorsheysan ayay Ciidanku waxaaa ay si gaar ah kaga sameeyeen Waaxyaha degmadaasi,waxaana ay gacanta kusoo dhigeen shaqsiayad ay sheegeen inay ammaanka lid ku ahaayeen.

Masuuliyiinta Ciidankaasi hoekacaysay oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay cabasho xooggan kaga timid dadka degaanka,taasi oo keentay inay sameeyaan howgallo ay ku baacsanayaan Ciyaal weerada iyo shaqsiyaad kale oo ay sheegeen inay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan bulshada degmadaasi.

Howgalka waxaa qayb ka ahaa maamulka Degmada, waxaana ay sheegeen inay siiw adi doonaan howlgallada noocaan ah ee ammaanka lagu xaqiijinayo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor