Magaalada Kismaayo ee Caasimad KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa shalay gelinkii dambe gaaray qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.
Intaasi kadib ayaa waxaa loo sameeyay soo dhaweeyn ballaaran,isla markaana waxaa la dejiyay goob u gaar ah,waxaana dhawaan Jubbaland ay bilaabi doonaan soo xulista Xildhibaanada cusub ee Jubbaland.
Afhayeenka Odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland Ugaas Xuseen Cismaan Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan baahan yahay in si dhow loola shaqeeyo Guddiga Doorashooyinka maamulka Jubbland.
Sidoo kale waxaa uu Ugaas Xuseen Musharaxiinta Doorashada Jubbaland ugu baaqay inay la shaqeyaa Ciidanka amniga,isla markaana Ciidamada aysan u isticmaalin danno gaar ah.
Isaga sii hadlaayay Afhayeenka Odoyaasha dhaqanka ayaa waxaa uu tilmaamay in amniga Musharaxiinta u tartameysa Doorashada Jubbaland ay ku sugnaa Ciidanka amniga maamulka Jubbaland ayna muujiyaan Kalsooni buuxda.
Deegaanada maamulka Jubbaland ayaa waxaa dhawaan lagu wadaa inay ka dhacaan Doorashooyinka maamulka Jubbland tan Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha.