3 nin oo Soomaali ah ayaa la sheegay in la xiray, kadib, markii lagu soo qabtay Gaari Xamuul oo ku rarnaa 42 Dhalooyinka TV-ga oo cusub.
Boliska sida degdegga u hawlgala ayaa la sheegay inay Eedeysanayaashaasi habeenkii Jimcaha so galayey ku qabteen Degmadda Belliville ee duleedka magaalladda Cape Town (KEEB Tawn), iyagoo riidayey gaari xaamuul oo la soo dhacay oo uu ku rarnaa 42 Dhalooyinka laga daawado Tv-ga oo cusub, oo lagu qiimeeyey lacag dhan 360,000 ee Lacagta Rand ee laga isticmaalo dalkaasi.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Afhayeenka Boliska ee Cape Town, Saddex Alifle George Mjiwu ayuu ku sheegay inay xireen 3 Eedeysane oo u dhalatay Somalia, kuwaasi oo mid ka mid ah uu 28-jir yahay, halka labada kale da’dooda lagu sheegay 29-jirro.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Gaariga iyo qalabka sarnaa laga soo dhacay Shirkad iibisa qalabka Elektoroonik oo ku taalla Degmadda Atlantis oo 40-KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Cape Town.
Dhinaca kale, Saddexda Soomaali iyo 2 u dhalatay dalka Koonfura afrika oo muuqaalkooda laga arkay Kameeradda Qarsoon ee CCTV, ayaa la filayaa in maalinta Isniinta ee soo socota ka soo muuqdaan Maxkamadda Degmadda Bellville ee dalka Koonfurta Afrika, iyagoo ku dhac dhac Gaadiid iyo Qalab.