NISA oo gacanta ku dhigtay dagaalamayaal Qaraxyo fulin rabay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay labo dagaalame o ka tirsana Alshabaab, kuwaasi oo doonayay inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in dagaalamayaashaan la qabtay Xili ay qorsheynayeen falal ka dhan ah ammaanka guud ee Caasiamdda.

Waxaana la sheegay in Xilliga ay qabanayeen ciidamada labada dagaalame ay  gacmaha ku wateen Qaraxyo ay damacsanaayeen inay ka gaystaan Caasimadda.

Ciidanka ammaanka ee dowladda gaar ahaa kuwa hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan, ka hor inta aysan fulin Qaraxyo iyo falal kale oo la sheegay inay qorsheynayeen Labada dagaalame ee la qabtay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor