NISA:  Gaarigii loo adeegsaday dilkii iyo dhaawacii maanta ka dhacay Muqdisho oo la qabtay.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay inay Xaafadda Jamhuuriya ee Degmadda Kaaraan ku qabteen Gaari ay wateen kooxihii hubeysnaa ee maanta dhaawacay Taliye-xigeenkii hore ee NISA, Xasan Dheere, laguna dilay Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximin iyo Xeeb, Maxamed Cumar Jimcaale “Hagafeey”  iyo Askari ka tirsan Ciiddanka NISA.

Gaarigaasi oo noociisu ahaa PRADA ayaa la sheegay in laga helay Xaafadda Jamhuuriya, waxaana lagu raad-joogaa raggii watay oo iyagu baxsaday.

Barqanimadii maanta ayey ahayd, markii ay rag hubeysan Is-goyska Xaafadda Ceel-gaabta ku dhaawacmeen Taliye-xigeenkii hore ee NISA iyo mid ka mid ah Ilaaladiisa, halka mid kalena uu ku geeriyooday.

Weerar kale oo ka dhacay Tirbuunka waxaa lagu dilay Afhayeenkii Maamulkii Ximin iyo Xeeb, ahna Milkiilaha Idaacadda Codka Goballadda Dhexe, Maxamed Cumar Hagaley iyo Dareewalkiisa.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media