Saraakiisha Boliska Kenya ayaa sheegay inay xireen 2 Kenyan ah oo laga so omasaafuriyey dalka Turkiga, kuwaasi oo Tababar la soo qaatay Kooxda Daacish ee ku sugan dalka yria.
Taliyaha Ciiddanka Boliska ee Gobalka eebta, Philip Tuimer ayaa sheegay in loo soo gacan geliyey Nin iyo Haweeney, kuwaasi oo ku biiray Koox la mamnuucay
Sarkaal kale oo codsaday inaan magaciisa la xiganin ayaa sheegay inay Hay’addaha Ammaanka Turkiga bishii November ee sannadkii hore qabteen Labadaasi qof, xilli ay doonayeen inay galaan dalka Syria, si ay Kooxda Daacish u soo tababaraan.
Warbaahinta Kenya waxay soo bandhigeen magacyadda iyo Sawiradda Labada qof ee ay Boliska gacanta ku hayaan, waxaana lagu kala magacaabaa: Saalim Maxamed Rashiid iyo Nasra Hassan Faiz.
©Radio Dalsan