Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa duhurnimadii Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, iyadoo lagu soo dhaweeyay.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax , Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Ujeedka Safarka Cali Daahir Ciid ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira Arrimo shaqo, isagoo kulan la qaadan doona inta uu Muqdisho ku sugan yahay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Mas’uuliyiihn kale.
Waa safarkii ugu horreeyay ee uu Magaalada Muqdisho ku yimid Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir tan iyo markii xilkaas loo doortay bilowgii sanadkaan 2020, waxaana Maanta uu kasoo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb.