Nin Maraykan oo u hanjabay Ilhaan Cumaar oo la xiray.
Boliska Gobalka Florida ee dalkaasi waxay shalay oo Jimco ahayd xireen Nin Maraykan oo u hanjabay Senatarada Somali-maraykanka ee Ilhaan Cumar iyo dhowr Senatar oo ka tirsan Kongareeska dalkaasi.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo John Kless ayaa la shegay inuu farriimo codad ah oo hanjabaadyo cabsi-gelin dilal ah u kala diray Xafiisyadda Ilhaan Cumar, Rashiida Talayba iyo Erik Sawalwel, waxayna Boliska sheegeen in Farriimaha Eedeysanaha isugu jireen Islaam-nacayb, Cunsuriyad iyo Aflagaado xad-gudub ah.
John Kless oo 49-jir ah oo deggan Degmadda Tamarak ee Gobalka Florida ayaa la sheegay inuu Fariimihiisa u muuqdeen kuwo si gaar ah u beegsanayey Ilhaan Cumar, oo iyada horey Madaxweyne Trump kala kulantay weerar.
Eedeysanaha waxa uu Senator Ilhaan Cumar ku sifeeyey xubin ka tirsan Ururka Dalibaanta Afganistan ,waxayan Oraahdiisa ahayd mid uu ku tixraacay hadalkii iyo Muuqaalkii Donald Trump ee uu Ilhaam Cumar ku xiriiriyey Weerarkii Qaraxyadii Diyaaradaha ee Alqaacida ku weerareen Daarihii Mataanaha New York bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii.
Eedeysanaha, John Kless waxa uu sheegay inuu farriimihiisa ku difaacayo Madaxweyne Donald Trump iyo inuu Siyaasiyiinta uga digayo inay joojiyaan naqdinta ay ku hayaan Madaxweynaha, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Boliska US Capitol Police waxay kaloo sheegeen inuu Eedeysanaha wicitaano dhibaatayn ah u diray AfhayeenaddaAqalka Wakiiladda Maraykanka, Nancy Pelosi bishii Feberaayo ee la soo dhaafay, isagoo aad u aflagaadeeyey xubnaha Muslimiinta ka tirsan Kongareeska.
Ilhaan Cumar iyo Rashiida Talayba ayaa ahaa Labadii Haween ee Muslimka ah ee ka mid noqda Xildhibaanadda Kongareeska Maraykanka, iyadoo Senatorka kale ee Erik Sawalwel yahay Murashaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee Doorashadda Madaxtinimadda Maraykanka ee sannadka 2020-ka.
Eedeysane oo shalay ka soo hor muuqday Maxkamadda Degmadda ee Gobalka Florida waxaa lagu dacweeyey inuu Isgaarsiinta ku cabsi geliyey Siyaasiyiin.
Xeer-ilaaliyaha Maxkmaadda waxa uu Eedeysanaha ku sii daayey damiin, iyadoo jirkisa lagu xiray qalabka La-socodka Dhaqdhaqaaqiisa ee GPS Monitor.
Eedeysnaha, John Kless waxaana looga digay inuu ka fogaado qoryaha iyo dadkii uu cabsi-geliyey.
Bilowgii bishan ayaye ahayd, markii ay Hay’adda Dembi-baarista Mraaykanka ee FBI-da xireen Nin ku nool magaalladda New York, kaasi oo ku hanjabay inuu dili doono Ilhaan Cumar oo iyadu ku caan baxday Naqdinta Falal-siyaasadeedka qalafsan ee Trump.
Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka loo hanjabo, waxayna horey u sheegtay inay Farriimaha cabsi-gelinta ee iyada ka dhanka ah kordheen, tan iyo markii uu Madaxweyne Trump soo dhigay Muuqaalkii Video-ga ee uu iyada ku xiriiriyey waxa uu ugu yeeray weerarkii Qaraxyadii Mataanaha ee September 11 oo ay Ururka Alqacaida horey u sheegteen.