Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa waxaa lagu Magacaabay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Taliye Cabdi Xasan Xijaar ayaa Magacaabay Taliyeyaasha Ciidamada Akadeemiyada, Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Laanta Miina Baarista.
Hoos ka Akhrio Magacyada.
1) G/Sare Cabdikariin xuseen Mcalin TaliyahaAkadeemiyada Gen.kaahiye
2) G/le Cabdifitaax Bashiir Cali Taliyaha Saldhigga Airpor-ka
3) G/Le Asad Cabddalla Saciid Taliyaha Laanta Miina Baarista
Ugu dambeyntii Taliyeyaashan Cusub ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.