Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu eedeeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu sheegay inuu duulan u kusoo yahay Somaliland.
Waxaa uu sheegay Muuse Biixi in dowladda Farmaajo ay dagaal kula jirto qaar kamid ah Maamul Goboleedyada dalka sida Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, isagoona tilmaamay in dagaalkaas ay sabab u yihiin Wadamada Caalamka oo taareego siiya Somalia.
Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay xayiraad saarto Madaxweyneyaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo laba jeer dowladda ay saartay xariyaad xili ay kusii jeedeen Baladweyne iyo Kismaayo.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in dowladda Farmaajo ay duulaan kusoo tahay deegaanada Somaliland, wuxuuna Carabka ku dhuftyay in Somaliland ay arrgto duulaanka lagu soo yahay ayna iska difaaci doonto.
Hadalkan ayaa waxaa Maanta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka sheegay Munaasanad xariga looga jarayay Carwo dhinaca caafimaadka ah oo laga hirgeliyey magaalada Hargeysa, taas oo lagu soo bandhigayo dhibaatooyinka caafimaad ee Somaliland ka jira.