Muxuu yahay ujeedka wafdi ka socday DF u tageen G/Bakool, kadib Dagaaladii dhacay?

Wafdi Xildhibaanno ah oo ka tirsan labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, ka dib markii uu dagaal ka dhacay magaalooyinka Yeed iyo Aato oo ka tirsan gobolkaas kuwaas oo sababay in dad badan ay halkaas ku barakacaan.

Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo kamid ah xildhibaannada Ceelbarde tagay oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay inay doonayaan inay u kuur galaan xaaladda iyo sida gargaar lagu gaarsiin lahaa shacabka ka barakacay dagaalka.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgalo saddex maalmood ka socday gudaha gobolkaasi.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Al-shabaab ay Arbacadii sheegatay in ugu yaraan 87 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka ee loo yaqaan Liyu Boolis ka dib weerar naadir ah oo ka dhacay xadka dheer ee Itoobiya.

Dagaaladii dhacay ayaa markii hore ka bilowday weeraro culus oo Al-shabaab markii hore ay ku qaadeen Saldhigyo Ciidanka Liyuu Boolis ay ku leeyihiin deegaanada Yeed iyo Aato oo ku yaalla xuduudka Somalia iyo Itoobiya, kadibna waxaa dhacay dagaalo khasaaro farabadan dhaliyey oo sababay inay Shabaabka u gudbaan DDS.

About Webmaster

View all posts by Webmaster