Madaxweynaha dowlad Gobholeedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu weli ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu ku hakaday, xili uu kusii jeedo dalka Kenya.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in sababta uu Madaxweyne Deni ugu hakaday Addis Ababa ay tahay inuu halkaas kula kulmo Guddoomiyaha Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Sulaymaan oo shalay socdaal ku tegay Magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Shirkadda DP World ayaa kulankooda waxaa la tilmaamay inay uga wada hadli doonaan arrimo ku saabsan heshiiska DP World ee Dekedda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu safarkiisa Magaalada Nairobi ku saabsan yahay dhaqaajinta mashruuca dhismaha wadada Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, kaas oo ay hadda gacanta ku hayso hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS.
Inta uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland, Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas iyo xubno kamid ah Beesha Caalamka.