Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Dilal loogu geystay gudaha Koonfur Afrika

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd gudaha dalkaas ku dileen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dhallinyarada ugu caansan tuulooyin hoostega Magaalada Cape Town ee dalkaas.

Muwaadiniinta la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cali Abuukar iyo Deeq Hashuumi, isla markaana waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilay tuulooyin hoostega Magaalooyinka Pretoria iyo Cape Town.

Meydadka laba Muwaadin ayaa waxaa goobaha lagu kala dilay ka qaaday Dad Soomaali ah, waxaana baxsaday burcadii hubeysneyd ee falalkaas ka dambeeysay, kuwaasi oo la sheegay inay dhac u geysanayeen Cali Abuukar iyo Deeq Hashuumi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa durbo tagay halka uu dilka ka dhacay, iyagoona sheegay inay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan burcada, mana jiro wax natiijo ah oo kasoo baxay howlgalkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal dilal iyo boob loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku leh goobaha Ganacsi, mana jirto cid iska xirtay sidii wax looga qaban lahaa dilalka loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor