Maxamed Khaliif oo 21-jir ah ayaa waxaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Gobalka Minnesota, isagoo lagu eedeeyey inay xaday Xogta Kaararka Lacagta, iyo inuu iibinayey qalab ku kaydsanaa Heshiis Maaliyadeed.
Eedeysanaha waxaa la sheegay inuu qirtay Dembiyadda lagu soo oogay.
Garsooraha Maxkamadda, Mathiyo Istewart waxa uu ku xukumay Eedeysanaha Xabsi ilaa 4-sanno ah iyo in Maraykanka laga masaafuriyo marka uu dhamaysto Xukunkiisa.