Yacquub Axmed oo 30-jir ayaa la sheegay in laga soo masaafuriyey dalka Britain, kadib, markii isku-day horey loo soo masaafurin lahaa uu fashilmay bishii October ee sannadkii hore.
Eedeysanaha oo dhawaan loo gudbiyey Xarunta dadka lagu hayo,ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Heathrow Airport ee London laga saaray Diyaaradda Shirkadda Turkish ee duullimaadkeedu ahaa Istanbul,waxaana dib loogu celin doonaa Muqdisho.
Afar Sarkaal oo aad u xooggaan kana socday Xafiiska Arrimaha Gudaha Britain ayaa la sheegay inay Yacquub Axmed ku wehliyeen masaafurintiisa.
Dowladda Britain ayaa la rajeynayaa inay bixiso Kharajka Diyaarad sannadkii hore ku fashilantay in lagu masaafuriyo Eedeysanaha, kadib, markii ay Rakaabka la socday Diyaaradaasi ka hor yimaadeen Masaafurintiisa.
Wargeyska Toddobaadlaha ee The Mail on Sunday ee ka soo baxa magaalladda London waxa uu maanta qoray in Yacquub Ahmed iyo saddex nin oo kale ay sannadkii 2007-dii kufsi u geysteen gabar la sheegay inay xilligaasi 16-jir ahayd.
Ilo-wareed ayaa u sheegay Wargeyska The Mail on Sunday in mid ka mid ah Eedeysanayaasha kufsiga geystay oo lagu magacaabo Cadnaan Maxamed oo Somali ah oo horey loo diiday Codsigiisa Magangelyo-doonka sannadkii 2002-kii inuu haatan ku xiran yahay Xarunta dadka lagu hayo, lana filayo in laga soo masaafuriyo dalka Britain.
Saraakiisha Xafiiska Arrimaha Gudaha ee dalka Britain waxay kaloo ka fekerayaan in mid kale oo ka mid ah Eedeysanayaasha u xiran falka Kufsiga oo lagu magacaabo Cadnaan Baaruud lagala laabto Dhalashadda British-ka, si loo awoodo I nla masaafuriyo.
Eedeysnaaha 4-aad oo la oran jirey Ondogo Axmed oo horey 8 sanno ku muteystay falka Kufsiga, waxa uu ku biiray Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta dalka Syria, waxaana la rumeysan yahay in lagu dilay Dagaal ka dhacay dalkaasi.