Wararka laga helayo Degmadda Manenberg ee ka tirsan magaalladda Cape Town ee dalkaasi ayaa sheegay in Burcad Koonfur Afrikaan toogasho ku dileen Ganacsade Soomaali oo ku sugnaa Goobtiisa Ganacsiga.
Ganacsadahaas ayaa la sheegay in shalay subax lagu dilay goobtiisa Ganacsiga oo ku taalla Renoster Road ee Degmadda  Manenberg ee Gobalka Western Cape ee dalkaasi.
Waa Dhibanihii ugu dambeeyey ee Soomaali ah ee lagu dilo rabshadaha hubeysan ee ka dhex socda Mujtamaca Degmadda Manenberg.
Haweeeneyda madaxda u ah Bulshadda Degmadaasi oo lagu magacaabo Roegshanda Pascoe oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in Ganacsadaha Soomaalida la dilay abaarihii 8-dii aroornimo ee shalay oo Jimco ahayd.
Waxay intaas ku dartay in dadkii ay la hadashay u sheegeen inuu Marxuumka ahaa Nin Wanaagsan, isla markaana ka xun yihiin toogashada lagu dilay.
Burcadda Hubeysan iyo Kooxaha Daraagistaha ee dalka Koonfurta Afrika waxay inta badan beegsadaan Milkiilayaasha Goobaha Ganacsiga ee Shisheeyaha ku nool dalkaasi, gaar ahaan Ganacsatada Soomaalida iyo kuwo kale.