Qarax xooggan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana soo baxaya warar kaal duwan oo qaraxaasi ku aaddan.
Jugta Qaraxa ayaa si weyn looga maqlay qaybo ka mid ah degmoooyinka Gobolkani Banaadir, waxaana uu ahaa mid aad u xooggan.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday Maqaayad lagu magacabo Gelato Divino oo ah aga-gaarka Sahal Terminal, waxaana lasoo sheeegayaa in uu jiro Khasaaro kala duwan oo ka dhashay Qaraxa.
Wali lama Xaqiijin Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa, basle wararku waxaa ay sheegayaan in Qaraxu uu ahaa mid xooggan oo khasaare dhaliyay.
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.