Asad Ahmed Farah oo 32-jir ah ayaa la filayaa in maanta la soo taago Maxkamad ku taalla Degmadda Mankato ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Eedeysanahaasi ayaa la sheegay in isagoo sarqaansan uu maalintii Sabtida la soo dhaafay gaarigiisa ku burburiyey qeybta hore ee Dukaan lagu iibiyo Hilibka Xalaasha iyo Cuntada oo ku yaalla Degmadda Mankato.
Boliska ayaa la sheegay inay soo qabteen Eedeysanaha wax yar kadib, markii lagu wargeliyey dhacdadaasi.
Taliyaha Boliska Mankato, Dan Schisel ayaa sheegay inuu Eedeysanuhu gaariga kaxeeyey isagoo sarqaansanaa. Waxaana lagu soo oogay Fal-dembiyeedka heerka 2-aad, lana filayo in maanta la soo taago Maxkamadda.
©Radio Dalsan