Somali-Norwegian sannadkii hore Haweeney Maraykan ku dilay London oo berri lagu dhawaaqayo Xukunkiisa.

Zakaria Bulhan oo ah Somali-Nowegian ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamadda Old Bailey oo ku taallo magaalladda London, waxaana lagu soo oogay inuu sannadkii hore dilay Haweeney Maraykan, isla markaana dhaawacay 5 kale.

Eedeysanaha oo dalka Britain u soo guuray sannadkii 2002-dii ayaa beeniyey inuu dil geystay, balse waxa uu qirtay inuu dhowr qof dhaawacay.

Ninkaasi oo dhimirka ka xanuunsan ayaa la sheegay inuu bishii August  3-dii ee sannadkii hore uu Fagaaraha Russell Square ee magaalladda London ku dilay Haweeney Maraykan oo la oran jirey Dariene Horton,oo 64-jir ahayd.

 

Zakari Bulhan oo 19-jir ah waxa kale oo uu Tooreey ku dhaawacay 5 qof oo jidka marayey.

Dhinaca kale, Garsooraha Maxkamadda Maxkamadda Old Bailey , Jutice Spencer ayaa la filayaa inuu berrito ku dhawaaqo Xukunka uu muteystay Ninkaasi, waxaana  meesha laga saaray inuu falkaasi ahaa Fal Argagixiso.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media