(DHAGEEYSO): -Maleeshiyadii Is-hor istaagay Cali Khalif oo sheegay inuu kasoo Dagi karin Buuhoodle.

Taliyaha Ciidamadaasi hogaaminaya ayaa Amaro cusub  kasoo saaray isticmaalka Garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer waxaana u sheegay in eysan Garoonkaasi kasoo dagi  Karin Diyaaradaha ka imaanaya magaalada Hargeysa xili uu maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladaasi.

Waxaa uu tilmaamay sidooakale in uusan madaxweynaha Khaatuma Cali Khaliif Galeyr mardanbe kasoo dagi Karin Garoonka oo ay heestaan Ciidamo maleeshiya ah oo shalay madaxeynaha udiiday inuu ka duulo Garoonka Buuhoodle.

Xaalada magaalada ayaa kacsan kadib xiisadii shalay waxaana madaxweynaha maamulka Khaatuma safarka dhulka ah uu ku tagay Haregeysa markii ciidamadaasi udiideen  inuu ka boxo Garoonka Magaalada Buuhoodle waxaana uu isla maanta uduulay Jabuuti oo uu wada hadal  kula leeyahay Madax kasocota Soomaaliland.

Halkaas Hoose Ka Dhageeyso Cod-ka Taliyaha.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media