Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii Uu Hoggaaminayey oo gaaray dalka Jabbuuti, ayaa waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka labada madaxweyne, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta Xiriirka soo jireenka ah ee labada dhinac, fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada shacbi, ee walaalaha iyo deriskaba ah.
Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca Weftiga Somaliland wasiirrada Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka, Saleebaan Yuusuf Cali Koore.
Dhinaca Jamhuuriyadda Jabbuutina waxa ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaadhsiinta, Mudane Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Almis Maxamed Cabdilaahi.