Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in maanta ay deegaano u dhow Janaale kala wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyagoo soo bandhigay raadad muujinaya goobihii laga saaray Al-Shabaab.
Deegaanada kala ah Buulo Arundi, Malable, Siigaale, Busley, Daa’uud iyo Beeraha-Baay ayey ciidanku ka sameeyeen howlgalladaas.
Saraakiisha Ciidanka Qaranku waxay intaa ku dareen in ay Iburburiyeen xarumo ay ku jirtay maxkamadii Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Howlgalkaas waxaa hoggaaminayey Abaanduulaha ururka 84-aad ee guutada 14-ka October Cali Mahdi Beerdiide, sidoo kale gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee deegaanka Janaale ayaa qeyb ka ahaa hoggaaminta howlgalladaas balaaran.