Wararka ka imanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo uu la socday madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay Xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso, ayaa lasoo sheegayaan in khasaare badan uu ka dhashay.
Wararka ayaa tibaaxaya in ugu yaraan ay Labo askari ay ku waxyeeloobeen qaraxa, balse madaxweynaha iyo madaxdii kale ay bad qabaan, waxaana jira sida wararku tilmaamayaan khasaaro kale oo intaa ka badan.
Dhowaan ayay ahayd markii qaraxa culus uu ka dhacay magaaladaas, kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo ay nabadoono ka mid yihiin.
Madaxweynaha Puntland ayaa Boosaaso u jooga sababo la xiriira doorashada dadban ee halkaas la qorsheeyay in ay ka dhacdo.
Dhanka kale dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtya Mas’uuliyadda weerarkaasi lala beegsaday Kolonyada uu la socday madaxweyne Deni.
War lagu faafiyay Baraha Bulshada eek u hadla Afka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ka dambeyeen,sidoo kalena ay bar tilmaameed sadeen Deni iyo mas’uuliyiin kale oo la socday Kolonyada la beegsaday.