Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa si kulul uga hadlay qarax miino ah oo xalay lala eegtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda iyo Ilaaliadiisa, xili uu marayay wadada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
Musharax Daahir Geelle oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Sarkaal Cumar Cabdiraxmaan ee lala beegsaday qaraxa uu ahaa Taliyaha Ciidanka ilaaladiisa gaarka ah, sidoo kalena ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka.
Musharax ayaa tacsi u diray ehelada iyo Ciidanka Qalabka Sida oo ay ka baxeen laba Askari oo lagu kala magacaabi jiray Axmed Cali Maxamuud iyo Xasan Cali Maxamed, kuwaasi oo kamid ahaa ilaalada taliye Cumar ee xalay la qarxiyay.
Sidoo kale Daahir Geelle ayaa Alle Caafimaad uga baryay inuu siiyo Korneyl Cumar C/raxmaan oo dhaawac uu kasoo gaaray qaraxa, iyo qaar kamid ah Ilaaladii la socday oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho.
“Taliye Cumar waa sarkaal astaan u ahaa una ah dhowr iyo tobanki sano ee tagay ku dhiiranaanta iska dhicinta, dad ka dhicinta argagixisada ah, Allaha ku caafiyo adiga wiilasha askarta ah†ayuu yiri Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.
Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa fiidnimadii xalay wadada Afisnooyi  ee degmada Xamar-jajab lagula eegtay Sarkaal Cumar Cabdiraxmaan iyo qaar kamid ah ilaaladiisa, isal markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.