Musharax Madaxweyne Maxamed Cali Nuur Amerika oo la hadlay Idaacada Dalsan ee magalada Muqdisho aya aad uga hadlay abaaraha ba’an ee ka jira qeybo badan oo ka mida Soomaliya’isaga oo ku baaqay in si degdega loogu gurmado Dadka ay abaaruhu saameeyen.
Dhinaca kalana waxa uu ku baaqay Musharax Madaxweyne Maxamed Cali Nuur Ameerika in la dedejiyo Doorasha Madaxtinimo si loo gaaro yoolka ah in la bad baadiyo Dadka u dhimanaya gaajada iyo oonka.
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Musharax Madaxweyne Maxamed Cali Nuur Amerika.