Manta waxaa loo fadhiyaa xafladda dhaarinta xildhibaanadda cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa marka ay dhaarinta dhamaato in ay mudanayaashada ay doortaan gudoomiye Baarlamaan oo kumeel gaar ah.
Sida caadi ah waxaa gudoomiye baarlamaan oo ku meel gaar ah loo doortaa mudanaha ugu da’adda weyn ee kamkid ah Baarlamaanka soomaaliya.
Idaacadda Dalsan ayaa ogaatay in seddexda mudane ee ugu da’adda weyn ee loo saadaalinayo ay kala yihiin 1) Osman Elmi Boqore 2) Sharif shiquna Matye 3) Abdullahi Sheikh Ismail.
Shariif Sheekhuna Maye waxaa uu ahaa Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska.
C/llaahi Sheekh Ismaaciil waxaa u ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda xukuumaddii KMG aheyd.
Baarlamaankii sanadkii 2012 ayaa ninka ugu da’da weynaa ee noqday Guddoonka KMG ayaa waxaa uu ahaa Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo markii dambe loo magacaabay Safiirkii Talyaaniga u fadhiyay Soomaaliya, balse bilo ka hor laga qaaday.
©Radio Dalsan