Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Raashiya ayaa lagu sheegay in la helay mid ka mid ah Qalabka Sanduuqa Madow ee kaydiya Xogaha Diyaaradda.
Diyaaradaasi oo maalintii Axadda ee la soo dhaafay ku burburtay xeebaha Badda Madow waxaa ku wada geeriyootay dhamaan 92-kii qof ee la socday Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa TU 154.
Ku-dhawaad 3,500 qof, 45 Markab, Tobaneeyo Diyaaradaha Droneska iyo Gujiska iyo 192 qof oo Quusayaasha Badda ah ayaa ka qeyb galayo baadi-goobka maydadka rakaabkii la socday diyaaradaasi.
Kooxaha Gurmadka waxay soo saareen 12-mayd iyo qeybo ka mid ah burburka Diyaaradaasi.
Dhinaca kale, Dowladda Raashiya waxay gebi ahaan joojisay Duullimaadka Diyaaradaha Rakaabka ee noocoodu yahay Tupolev Tu-154, kadib, Burburkii Diyaaradaasi Axaddii la soo dhaafay ku dhacday Badda Madow.
©Radio Dalsan