Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa markii ugu horeysay Caawa ku hoyanaya gudaha Magaalada Muqdisho isaga oo ku jira Gacanta dowladda soomaaliya tan iyo markii Muqdisho laga saaray Al-Shabaabkii uu horay uga tirsanaa.
gelinkii dambe ee Maanta ayaa laga keenay degamda xudur ee Xarunta Gobolka Bakool halkaas oo uu kula kulmay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Glbeed.
Xogaha soo gaaraya Radio Dalsan Muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in tan iyo markii uu yimid Muqdisho aysan jirin cid ka tirsan dowladda federaalka Soomaliya oo uu la kulmay marka laga reebo Masuuliyiintii ka keentay degmada Xudur ee Gobolka Baay.
Caawa waxa uu ku sugan yahay muqtaar rooboow,xarunta taliska Nabad-Sugida Soomaaliya ee Maama Khdiijo,waxana halkaas ku ilaalinayo Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya .
Maalinta Berito ah wixii ka dambeeya ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka,isaga oo sidoo kale shacin doona mowqifkiisa.