Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa ka socda kulmo kala Gooni Gooni ah oo ay leeyihiin Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.
Xildhibaanadaan ayaa waxa ay ka hadlayaan sidi uu u dhaqangeli lahaa Mooshinkii Xildhibanadaas Gelinkii dambe ee Maanta ay ka gudbiyeen Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble.
Kulamada ayaa haatan si kala Gooni Goni ah uga socda Jowhar,waxana moshinkaan uu noqonayaa kii labaad oo ay ka keenaan Xildhibaanada Hir-Shabeelle tan iyo markii la doortay.
Dhanka kale waxaa jira iyana Xildhibaano iyo wasiiro kale kuwaas oo ku shiraya Jowhar,islamarkaana diidan Mooshinka laga gudbiyay Cali Cabdullaahi Cosoble.
Madaxweyne Cosoble ayaa Xildhibaanada Hir-Shabeelle waxa ay ku eedeeyeen in uu noqday mid kaligiis tashada islamarkaana uu ku xadgudbay Dastuurka Maamulkaas kadib markii uu dhawaan deegano ka tirsan gobolka Hiiraan u magacaabay degmooyin.