Caawa ayaa qorshuhu ahaa in Munaasabad lagu soo badhigi lahaa waxqabadka Mudadii ay jirtay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre lagu qabanto howlka Sahal oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee M/Muqdisho balse ay baaqatay.
Munaasabadaas ayaa waxaa lagu Casuumay Masuuliyiin isugu jiray Xildhibaano,Wasiiro,Siyaasiyiin iyo boqolaal kale oo marti sharaf ah laakin loo baajiyey sababo la xiriira khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu ku wargeliyay ra’iisul Wasaare Kheyre in munaasabada dib loo dhigo maadaama ay ku soo beegantay xili ay jiraan xiisado siyaasadeed.
Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa ka soo horjeestay soo jeedinta Madaxweynaha ee ku aadan joojinta xafladan,isaga oo ku adkeystay in ay dhaceyso munaasabada.
Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa Dalsan u xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu ugu dambeyn kulan saacado qaatay ku qanciyay Ra’iisul Wasaare Kheyre in la baajiyo munaasabada,iyada oo howlka ay diyaar ku ahaayeen inta badan Martidii ka qeyb gali laheyd iyo sidoo kale Bahda Saxaafadda oo qalabkii ay wax ku tabin lahaayeen.