Ururka ONLF ayaa mar kale ku baaqay in si nabad ah lagu sii daayo Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ag Madaxda Ururkaas,kaas oo horey dawladda Soomaaliya ugu gacan gelisay Itoobiya.
ONLF ayaa sheeegtay in sii daynta Qal-bi-dhagax lagu xiray shuruudo ay ka mid tahay inuu ka laabto mowqifkiisa siyaasadeed.
Afhayeenka Jabhada hubeysan ee ONLF Cabdulqaadir Xasan HIRMOOGE oo Wareysi siiyay Idaacadda Voa ayaa sheegay in wadahadaladii dhawaan ka dhacay dalka Kenya aan wax natiijo ah laga soo saarin marka laga reebo in waqtiyo kale la balamay.
Waxa uu sheegay in siideynta dowladda Itoobiya dhawaan Maxaabiistii faraha badneyd ay ku timid banaanbaxyo ka dhacay deegaanada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo baaqyo kala duwan oo ka yimid Caalamka.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku adray in Cabdi Kariin Muuse QALBI-Dhagax cadaadis lagu saaray in uu Saxaafada la hadlo isaga oo Shacabka dowlad deegaanka Itoobiya u sheegaya in ay kacdoonka joojiyaan,isagana uu ka laabtay go’aankiisii hore laakin taasi uu ka biyo diiday.
Hoos ka Dhageyso Codka Afhayeenka Jabhada hubeysan ee ONLF.